Madaxda dalka ugu sareysa oo qado sharaf ugu sameeyey madaxtooyada xubnaha barlamaanka soomaaliya.

0
523

Kulan ay ka qeyb galeen madaxda dalka ugu sareysa sida m/weynaha gud.barlamaanka iyo r/wasaraha oo lagu weyneynayo maalinta koowaad ee ciidul adxaa ayaa ka dhacdey xarunta madaxtooyada soomaaliya.

M/weyne Xasan sheekh Maxamuud oo munaasabada ka hadley ayaa sheegey in mudadii halka sano aheyd ee ay jirtey xukuumada soomaaliya in ay wax u qabsoomeen inkastoo khaladaad jirey,sidoo kale waxaa madasha ka hadley R/w Saacid isagoo sheegey mahad naq uu u celiyey gudonka barlamaanka iyo xubnaha barlamaanka sidii wacneyd ee ay ula shaqeeyeen,wuxuuna saacid sheegey in uu sanadka soo socda shaqo tan ka balaaran isagoo sheegey in waqtigiisu yahey 2016ka,isagoo ula jeeda in uu meesha kasaaro warar sheegayey in uu is casilayo.

Waa markii ugu horeysey ee ay madaxda dalka ugu sareysa hadalo duur xul ah is dhaafsadaan iyadoo Dr saacid laga hayo oo laga qorey in aanu ka hor imandoonin m/weynihi shaqada qorey,lamana oga waxey ay ku danbeyn doonto hadalada duur xulka ah ee ay isweydaarsanayaan madaxda dalka ugu sareysa.