Tukashada salaadda ciidda ciidul adxaa oo si wanaagsan looga tukadey guud ahaan gobolada dalka somalia.

0
452

Tukashada salaada ciida ciidul adxaa ayaa guud ahaan gobolada dalka soomaaliya si hagaagsan u dhacdey,gaar ahaan caasimada muqdisho ayaa meelo badan laga tukadey.

Masjidka isbaheysiga islaamka ayaa waxaa ku tukadey muslimiin farabadan,iyadoo madaxda qaranka ugu sareeya ay ka qeyb galeen sida m/weynaha jamhuuriyada Xasan Sheekh Maxamuud,isagoo hambalyo iyo bogaadin la xiriirta maalinta weyn alaa weyne ee ciidal adxaa dhamaan shucuubta islaamka gaar ahaan kuwa soomaalida isagoo qaranka u rajeeyey horumar nabad iyo barwaaqo insha allaah.

M/weyne xasan sheekh ayaa markii ugu horeysey ka qeyb galey tukashada salaadda ciida isagoon tujin oo aan imaam u noqon dadki tukanayey,taas oo u muuqata in lagaga fiicanyahey xaga diinta islaamka,waayo maahan nin tujiya umadda uu hugaamiyo sida looga bartey m/weynihii hore sheekh shariif sheekh axmed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku tukadey hadalna ka jeediyey masjidka madaxtooyada ku dhexyaal oo ay aad u xadidnaayeen dadkii ku tukadey xaga amniga iyo dadka oo aan loo ogoleyn awgeed,iyadoo isu socodka magaaladu ay xanibaadi saarneyd oo isgoys kasta oo muqdisho ku yaal 54ta isgoys ee magaaladu leedahey la geeyey ciidamo isku dhaf ah,sida bolis milatery iyo nabadsugid,hab dhaqanka ciidamadu shacabka ula dhaqmayaan ayaan aheyn mid ku faraxgelineysa mana jirto wacyi gelin dawlada ka imaneysa oo shacabka lagu dhawrayo.