Maxamed Cabdi Xasan (afweyne) ayaa waxaa lagu qabtey garoonka diyaradaha ee brussels ee dalka beljemka,iyadoo loo heysto in uu ka danbeeyey maraakiib la afduubey oo laga qaatey lacag madaxfurasho balaayiin dolar ah.
Afweyne ayaa dhawaan sheegey inuu isaga baxey burcadbadeednimada soona xareeyey dhalinyaro uu sheegey in ay burcadbadeed ahaayeen,maxamed cabdi xasan Afweyne ayaa waxaa khiyaameeyey kooxo dharcad ah oo ku qalqaaliyey in uu wax ka sameeyo flim burcadbadeeda ka sheekeynaya,mudo dhawr bilood ah ugu danbeyntiina uu ku qancey ogolaadeyna in uu beljemka tago uuna saxiixo heshiis qandaraas flimkaas la xiriira,ugu danbeyntiina xabsiga loo taxaabey.
Waa markii ugu horeysey ee la maqlo qof soomaali ah oo hawlihiisa caadiga ah wata loo qabto burcadbadeednimo,mana jirto wax denbiilayaal ah oo loo soo qabtey xatooyada hantida soomaaliyeed waxaana badaha soomaaliya laga xadaa hanti gaareysa 60 billion bil kasta,mana jirto cid wax iska weydiisa sidaas awgeed aqoonyahan farabadan oo soomaali ah ayaa ku doodaya in burcadbadeednimadu ay ku caddahey kuwa maraakiibta iyo doonyaha wata oo kaluumeysatada yar yar u diidey in ay badahooda ka kaluumeystaan.




