Iska hor imaadyada iyo weerarada maanta dhacey gudaha dalka somaaliya.

0
441

Iska hor imaadyada iyo qaraxyada maanta dhacey waxaa ugu horeeya guri ay degenaayeen ciidamada raskambooni ee uu hugaamiyo macalim ibraahim ayaa lagu weerarey bumbooyin kuwa gacanta laga tuuro ah magaalada kismaayo waxaana lagu soo waramayaa in ay bilaabeen ciidamada raskambooni hawlgalo lagu baadi goobayo kuwii ka danbeeyey qaraxyada iyadoo la sheegayo in dhawr qof loo qabtey arintaas.

Dhanka kale Afgooye ayaa la sheegayaa in fariisin ciidamada dawladu ku lahaayeen agagaarka dugsiga gabdhaha agoonta lagu soo weerarey bambooyin kuwa la tuuro ah iyadoo ay askartu fureen rasaas aad u farabadan oo dhawaqeeda magaalada oo dhan laga maqlayey,lamana oga qasaaraha soo kala gaarey dhinacyada isdirirey,ilaa iyo hadda cidna ma sheegan weerarada ka kala dhacey kismaayo iyo afgooye.

Waxaa sidoo kale laga soo sheegayaa degmada buuloxaawo xiisad kacsanaan ah kadib markii la sheegey in gudoomiyaha doolow uu ciidan keeney degmada buuloxaawo taas oo beryahan ay ka qeyla dhaaminayeen saraakiil ahlusuna ah iyagoo ku eedeynaya gudomiyaha doolow inuu wado iska horkeen cusub uuna taageersanyahey maamulka kmg ee juba isla markaana uu Axmed Madoobe u shaqeynayo gudoomiyaha deg. Doolow ee gobolka gedo C/rashiid itaxaad.