Kulankan balaaran ee ay isugu yimaadeen beelaha kasoo jeeda kismaayo ayaa waxaa lagaga hadley arrimo khuseeya kismaayo iyo shirarka dib u heshiisiinti u dhigayey heshiiski dhawaan lagu gaarey adisababa ee dalka ethiopia.
Odayaal iyo cuqaal caan ah oo kulanka kasoo qeybgaley ayaa dhamaantood diidey sida kismaayo ay wax u socdaan,kadib markii dhawaan ay qaadaceen maamulki heshiiska lala galey iyo jabhadda raskambooni labaduba,cid wax katirina aysan jirin,odayaasha ayaa waxey ku sheegeen in ay dawlada ixtiraamayeen balse ay markii horeba arkayeen in aan si caddaalad ah loo gelin maantana ay muuqato in jabhada raskambooni aysan ogoleyn kismaayo nabad ah.
Maahan markii ugu horeysey ee beelo kasoo jeeda deegaanada kismaayo hase yeeshee kulankan ayaa kusoo beegmaya xili ay sii kala fogaanayaan dawladii federalka iyo maamulka kmg ee juba, oo labaduba midba midka kale u arko in uu siyaasad uga takhaluso.




