Xukuumadda Soomaaliya Oo Gudi Sare U Magacowday Shirka Dib U Heshiisiinta Maamulka Jubba.

0
547

Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ahna Wasiirka Khayraadka Dalka, Ayaa wuxuu magacaabay guddi heer sare ah oo qaban-qaabin doona wejiga koobaad ee Shirka Dib-u-heshiisiinta oo lagu qaban doono Muqdisho 5-ta bisha Oktoobar 2013, iyadoo qeybta labaad ee nabad-dhisidda ahna lagu qaban doono magaalada Kismaayo Iyadoona Uu Ku Dhawaaqay Magacyada Xubnaha Guddiga:-

1. Mudane Cabdikariim Xuseen GuuleedWasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka/Guddoomiyaha Guddiga.

2. Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi Wasiirka Warfaafinta, Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.
3. Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi Wasiirka Gaashaan dhigga.
4. Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Wasiiru-Dawlaha Madaxtooyada.

Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya ayaa Waxa Ay u mahad-celineysaa dhamaan dhinacyadii ka qeyb-qaatay fududeynta heshiiskii Addis Ababa ee 27, August 2013, gaar ahaan Guddoonka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee IGAD.