Ciidamada Dowladda Kenya Wali Ku Dhiiran La’ Gudaha Iney U Galaan Dhismaha Westgate Mall Nairobi.

0
546

Ciidamada Milateriga dalka Kenya ayaa weli ku sugan xarunta Westgate Mall, Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo la sheegay in lasoo gaba-gabeeyay howlgalkii ciidanka ay ka wadeen sida uu xalay ku dhawaaqay Uhuru Kenyatto Oo Ah Madaxweynaha dalka Kenya Waxaana Sidoo Kale La sheegayaa in xaalada ay sideedi tahay oo uusan muuqan isbedel weyn oo ku aadan xaalada daarta Westgate, welina la aaminsan yahay in rag kamid ah kuwii xarunta weeraray ay ku jiraan dabaqa afaraad ee dhismaha westgate Mall.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa xalay sheegay in lasoo gaba gabeeyay howlgalka Westgate, ciidamada ammaanka dalka Kenyana ay ku guuleesteen inay dilaan shan kamid ah xoogagii xarunta soo weeraray.

Weerarkaani afarta cisho qaatay welina shakiga laga muujinayo inay raga meesha weeraray ay ku jiraan gudaha xarunta ayaa jahwareer ku abuuray Dowladda Kenya, taasi oo keentay in laamaha ammaanka dalka hadalo kala duwan ay siiyaan warbaahinta Dalka Kenya ayaa maanta waxaa ka bilaabanaysa saddex maalin oo baroordiiq ah.