Sheikh Cali Max’uud Raage {Cali Dheere} Afhayeenka guud ee Dhaq Dhaqaaqa Al-Shabaab,ayaa sheegay in xasuuqa ay Ciidanka Kenya u geysteen dadka Somaliyeed, laga jaraayo dadka reer Kenya Weerarada Lagu Qaadayana Aan Laga Joojin Doonin Tan Iyo Inta Ay Ka Ruqaansanayaan Dalka Soomaaliya Wuxuuna Beeniyey, In Dowlada Kenya Ay Soo Afmeereen Dagaalkii Westgate Mall Dhamaan Goobahasina Ay Gacanta Ku Hayaan Ciidamada Kenya Sida Uu Sheegay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatto
Sidoo Kale Afhayeenka Guud Ee Shabaabka ayaa Uhuru Kenyatto Iyo Ciidanka Dowladda Kenya, waxa uu ku eedeeyay inay ku soo gardaroodeen Soomaaliya. Isla-markaana ay xasuuq U Geesteen Ummada Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed Iyagana In Haatanba Ay Ciidamadooda Kula Dagaalayaan Gudaha Dalka Kenya.
Sheikh Cali Dheere, ayaa Ugu Dambeyn Waxa Uu bogaadiyay weerarka ay Xoogagoodu ku galeen Dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall Walina ay ku sugan yihiin tan iyo Sabtidii Ilaa Iyo Caawa.




