Maamulada Xubin Iyo Xeeb Iyo Galmudug Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalada Ka Jira Qeybo Ka Mid Ah Mudug

0
636

Wararka Soomaaliya

Tiiceey iyo Caalin oo kala ah hogaamiyayaasha Maamulada Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya Maleeshiyaad ka soo wada jeeda gobolka Mudug

Waxayna labadaan mussul ay ku baaqeen in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya Maleeshiyaad beeleedka ka soo jeeda Maamulada Xubin iyo Xeeb iyo Galmudug isla markaana ay joojiyaan dagaalka u dhaxeeya

Waxay labada masuul intaa ay ku dareen in dagaalka wiil uuna ka dhalan hasa yeeshee wiil uu ku dhinto sidaas awgeedna ay haboontahay dagaalka si shuruud la’aan ah loo joojiyo

Hadalkaan ka soo yeeray hogaamiyayaasha Maamulada Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa wuxuu imaanayaa xili maalmihii ugu dambeeyay dagaal u dhaxeeyay beelo walaala ah oo wada dega deegaanada Mudug uu ka taagnaa deegaano ka tirsan gobolka Mudug

waxaana dagaalkaasi ku nafwaayay in ka badan 20 qofood halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen inta uu dagaaalka socday

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)