Mid Ka Mid Ah Xubnaha Baarlamaanka Calooshood U Shaqeystayaasha Ah Oo Sheegay In Xilkaasi Uu Iskaga Tagay

0
659

Wararka Soomaaliya

Cali Cabid Cali (Cali Macow) oo ka tirsanaa xubnihii baarlamaanka calooshood u shaqeystayaasha ah ayaa is rasmi ah u shaaciyay in uu iska casilay baarlamaanka TFG-da ka dib markuu arkay in beesha gaalada ayna u dooneynin TFG-da hor u socod wuxuuna hoosta ka xariiqay inay u cadaatay in wax dowlad ah Soomaaliya ayna ka jirin

Cali Cabdi Cali (Cali Macow) oo ka mid ahaa baarlamaanka Calooshood u shaqeystayaasha ah ayaa sheegay in mudo 2 sano ah uu ku guda jiray Baarlamaanka uuna ku soo biiray heshiiska Jabuuti ka dib

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in labadii sano ee la soo dhaafo ayna jirin wax qabad muuqada a oo ay qabatay TFG-da taasina ay ku qasabtay in uu isaga baxo gabi ahaanba TFG-da

Wuxuuna ugu baaqay dhamaan baarlamaanka calooshoodo shaqeystayaasha ah inay iskaga baxaan baarlamaanka TFG-da isla markaana dhibaato ayna u horseedin Shacabka Soomaaliyeed

Iscasiladaani Cali Macow ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli lagu kala diray baarlamaanka calooshood u shaqeystayaasha heshiiskii Kampala ay ku wada gaareen

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)