Wararka Soomaaliya
Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah wasiirkii hore ee gaashaandhiga c/xakiin xaaji maxamuud fiqi iyo xubno kale oo ka tirsanaa xukuumadii la ceyriyay ee uu hurjoogaha ka ahaa soomaali amerikaan farmaajo waxaana saacado ka hor ay gaareyn magaalada adisababa ee xaruunta wadanka itoobiya. Qorshaha madaxweyne shariifka soomaaliye iyo wafdigiisa ay u gaareyn adisababa ayaa ah in malezanawe ay ka soo ansixiyaan reysul wasaaraha cusub iyo golaha wasiirada ee lagu wado in uu dhawaan ku dhawaaqo waxaana sidoo kale ay halkaasi kulamo kula qaadan doonaan horjoogayaal ka tirsan urur goboleedka gumeysta soomaaliya ee igaad. si kastoy ahaataba ma ahan wax ku cusub maqalka dhegaha shacabka soomaaliyeed in itoobiya ay u aadaan hogaanka tfg-da ansixinta reysul wasaare kastoo cusub oo ay magacaabaan isaga iyo golahiisa wasiirada.
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(





