Ku Dhawaad 6-Ruux Shacab Ah Oo Lagu Gowracay Gobolka Bakool.

0
509

Sida Ay Sheegayaan Wararka ka imaanaaya Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, in lagu dilay tiro ka badan lix ruux, oo rayid ah Iyadoona Dadka la dilay Ay u badan geelleey waxaana lagu dilay aafafka hore ee Magaalada Xudur, xilli ay dadkaasi doonayeen inay gudaha u galaan Magaaladaasi.

Dhamaan Dadka la dilay Ayaa Wexdy U Badnaayeen Rag waxaana dilkooda loo adeegsaday gawricitaan, waxaana la gawracay xilli ay ka yimaadeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya Sidoo Kalena
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dadkaan lagu eedeeyay falal basaasnimo ah, inkastoo wax war ah aysan ka soo saarin Ururka Al Shabaab, oo si buuxdo uga arrimiya Magaalada Xudur Ee Gobolka Bakool.

Ibraahim Xasan Ibraahin Gudomiye Ku Xigeenka Gobolkaasi Ayaa Dhanka kale si kalul Shabaabka ugu eedeeyay, inay laayeen dad masaakiin ah, oo aanu waxba galabsan, sida uu yiri
Ibraahim Xasan Ibraahim Waxaana Uu ku hanjabay inay dhawaan dib ugu laaban doonaan Magaalada Xudur, iyagoo markaasi kala wareegi Doono waxa uu ugu yeeray argagaxisada.