Shirkii Hiigsiga Cusub Ee Soomaaliya Oo Lasoo Gaba Gabeyey Iyo Dowlada Oo Loogu Yaboohay Lacago Badan.

0
218

Waxaa Caawa Lasoo Afmeeray Shirkii New Deal ee Hiigsiga cusub ee Soomaaliya Waxaana magaalada Brussels ee dalka Belgium, shir jaraa’id Ku wada qabtey Madaxa Arrimaha dibada Midowga Yurub Iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Cathrine Ashton Iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa sheegay in shirkan uu ku soo dhamaaday guul, iyagoo ku dhawaaqay lacagta ay Dowlada Soomaliya Ugu Yabooheen dalalka reer Yurub.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in lacagta loogu yaboohay Soomaaliya ay gaareyso ilaa 1.8bn oo Euro, isagoo tilmaamay in lacagahaas ay ku bixi doonaan dib u dhiska Dalka Soomaaliya Isagoona Sheegay Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud in shirkan uu ka duwanaa shirarkii horay loogu qaban jiray Soomaaliya, Wuxuuna tibaaxay in balan qaadyada lacageed lagu saleeyay baahida iyo muhiimada ay soo bandhigeen dadka Soomaaliyed, kadib saddex bilood oo wada tashi socday laga soo uruuriyay guud ahaan dalka Somaliya.

Sidoo Kale Madaxweynaha ayaa sheegay in lacagta loogu yaboohay ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, isagoona xusay in la sameeyay qaab lagu maamulo lacagta, dowladda Soomaaliya iyo dalalka bixinayana ay hogaamin doonaan maamulida lacagta loogu yaboohay Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lacagtan loogu tala galay in sedaxda sano ee soo socota wax looga qabto adeegyada ay ka midka yihiin waxbarashada,caafimaadka,ammaanka,cadaalada,dib u heshiisiinta,iyo dib u dhiska nabadda Waxaana uu sheegay in in la isla meel dhigay qaabkii lagu daba gali lahaa in la helo lacagtasi la balan qaaday, sheegayna in la sameeyay gudi daba gal ku sameeya balan qaadkii lacageed ee la sameeyay.

Gaba Gabaddii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, inay is kaalmeeyaan, maadaama beesha Caalamka ay muujisay sida ay u garab taagan tahay,kuna booriyay in la joojiyo khilaafaadka iyo far isku Taag Taaga.

New Deal/ Hiigsiga Cusub Ee Soomaaliya Shirkaani Loogu Magacdaray oo ahaa hal maalin ayaa la soo gaba gabeeyay, waxaana ka qeyb galay maamulada dalka ka jira,mas’uuliyiinta hey’adaha dowladda Soomaaliya Iyo Ururada Bulshada Rayidka.