M/weyne xasan shekh oo hiiraan ka yimid una ambabaxey sh/dhexe.

0
527

Madaxweynaha soomaaliya prof. Xasan shekh maxamud ayaa dib ugu soo laabtey dalka isagoo isla waqtigii uu muqdisho yimid isagoo ka yimid gobolka hiiraan galey safar xaga dhulka ah.

Madaxweynaha ayaa u ambabaxey gobolka sh/dhexe isagoo siimarey degmada balcad ee gobolka sh/dhexe waxaana wadada laamiga ah safnaa dadweyne aad ugu faraxsanaa kormeerka madaxweynuhu ku kala bixinayo gobolada dalka soomaaliya.

M/weyne xasan sheekh oo maanta gaarey xarunta gobolka sh/dhexe deg.jawhar,isagoo shacabka gobolkaas u sheegey in ay doortaan madaxna ka dhigtaan qofkii ay doonayaan,wuxuuna hadalkaasi dhawac ku yahey maamulka uu hugaamiyo cabdi jiinow calasow oo ah maamul kmg ah oo la magacaabey.

Safarkan m/weynuhu ku kala bixinayo gobolada dalka ayaa imanaya iyadoo dhawaan dawladu ka qeybgeli doonta shirka dalka beljemka ee brucels.