Dawladda dalka china ayaa sheegtey in ay wax ka qabaneyso mashaariic ay hore dalka soomaaliya uga fulisey,sida tiyaatarka qaranka,garoonka ciyaaraha ee stadio muqdisho.
Wafdi ka socdey dalka china oo ka jawaabayey marti qaad ay dawlada soomaaliya siisey waftiga dalka yimid ayaa sheegey in ay fulinayaa wax ka qabashada mashaariicda ay hore u dhiseen.
Dawlada soomaaliya oo wax qabad dhab ah ka weydey reer galbeedka ayaa u muuqata in ay u weecatey Ashia iyo dalweynaha China waana mid horseedi karta in reer galbeedku maseyraan oo tartan furani yimaado soomaaliduna wax la qabsato cidii faa’iidadeeda wadda balse aaney qolo kaliyihi xareysan,waana siyaasadaha lagu amaani karo hugaamiyaha dalka xasan sheekh maxamuud.
Dawlada CHina ayaa sheegtey in ay dayactireyso safaaradoodi ayna furayaan safaaradii ay ku lahaan jireen soomaaliya safiirna dhaqso loo soo magacaabayo.




