Madaxweynaha dalka prof. Xasan sheekh maxamuud ayaa ka qeyb galey barnaamij loogu magac darey (Go to the school),kaas oo lamid ah AADA Iskuulka lagana hir gelinayo dhamaan gobolada dalku ka koobanyahey.
Barnaamij kan oo tababar siminaar macalinimo loogu xirey macalimiin gaaraya 350 macalim oo wax ka dhigi doona skuulada hoose dhexe iyo sare ee hoos imanaya wasaarada adeega bulshada kuwaas oo si lacag la’aan ah wax lagu barayo.
Madaxweynaha iyo wasiirada adeega bulshada ayaa u balan qaadey macalimiinta in ay mushaaro ka helidoonaan hey’adda UNICEF iyo dawladda oo kabeysa waxeyna arintani imaneysaa iyadoo dawlada federalka bishan gudaheeda laga sugayo dalka beljemka shir lagu caawinayo wadamada afrika ee dagaaladu la dageen.




