qaraxan oo laga soo buuxshey baabuur kuwa raaxada ah ayaa waxaa la dhigey barxada banaan ee barkeejada ex fiyoore kasoo horjeeda,isagoo gaariga laga dhigey mid meesha barking looga dhigey balse ninkii gaariga wadey maqaayada ma gelin ee banaanki ayuu iska istaagey wuxuuna remoot ku qarxiyey gaarigii uu meesha dhigey.
Markii dadkii soo yaaceen wixii dhintey mooyee wixii kale ayuu isla ninkii gaariga wadey is qarxiyey oo dadkii isku dhex qarxiyey,halkaasna waxaa ku geeryoodey dadkii ka badbaadey qaraxii gaariga taasina waa xeelad kale oo hal qof ku galaafto dad tiro badan oo aan hal meel wadajoogin.
Dadka ku geeryoodey maqaayada the villege ee ku taal guriga hooyooyinka,waxey t iradoodu hada kor u dhaafey 50 qof,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo uu maanta furmey shir culumada soomaaliyeed kaga hadlayaan sidii culimada soomaaliyeed u yeelan lahaayeen mufti xaga diinta looga danbeeyo.




