Madaxweynaha dalka jamhuuriyada jabuuti ismaaciil cumar geelle ayaa lagu soo waramayaa in uu ku soo jeedo magaalada b/weyne oo caawa uu ku hoyanayo m/weyne xasan sheekh oo safar aan lasii shaacin oo cirka ah ku tagey magaalo madaxda gobolka hiiraan ee B/weyne.
Xasan shekh maxamud ayaa markii labaad b/weyne tagey tan iyo markii la doortey,waxaana la filayaa in uu qeybaha bulshada gobolka ku qanciyo mudo u kordhin maamulki gobolka oo waqtiga xilku ka idlaadey.
Sidoo kale m/weynaha ayaa ku soo dhaweynaya m/weynaha dalka jabuuti ismaaciil cumar geele oo ciidamo dalkiisa ahi ku suganyihiin magaalada b/weyne kuwaasoo qeyb ka ah ciidamada Amisom ee soomaaliya ku sugan.
Booqashadan lama filaanka ah ee m/weynuhu ku tagey gobolka hiiraan ayaa kusoo beegantey xilli shaley ay ku dhinteen qaraxyo qorsheysan dad ka badan 45 qof maqaayad ku taal meel u dhaw guriga hooyooyinka,kuwaas oo leyntooda ay sheegteen xarakada dagaalyahanada Alshabaab.




