Shirkan oo lagu sheegey wada tashiga mustaqbalka dalka soomaaliya ayaa waxa uu socdey muddo 3 cisho ah iyadoo looga hadlayey shan qodob.
Qodobada shirka kasoo baxey ayaa u muuqda kuwo wax ku ool ah laakiin aan loo marin dariiq wanaagsan,waxaana ergooyinka ka muuqda waxyaabo soomaalidu hore ugu khasaartey oo ah nin nin ku jebin ama hebel hadii uu na diidey aan ina adeerki ku jebino taasina xal maahan ee dadka unbaa kusii kala fogaanaya.
Talooyinka shirka kasoo baxey ayaa imanaya iyadoo 16ka bishan loo balansanyahey shir ka dhici doona dalka biljemka,wuxuuna m/weyne xasan sheekh ku dhaartey in ay hirgelinayaan qodobadan iyadoo sharciyan meel marinta qodobadan ay ku xirantahey barlamaanka oo aqbala kana dhiga xeer waafaqsan dastuurka.




