Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka soomaaliya ayaa ka hadashey qaraxyo isdabajoog ahaa oo habeen hore muqdisho ka dhacey,kuwaas oo aan la garaneyn waxa looga danlahaa ama lagu hanan karo.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariim xuseen guuleed ayaa sheegey in ay qaraxyadaas usoo qabteen dad ka badan 20 qof,kuwaas oo ah shaqsiyaadki meelo kala duwan ku tuurey bambooyinka,wasiirka ayaa sheegey in wasaaradu soo qabaneyso cid kasta oo amniga wax u dhimeysa isagoo sheegey in ay jiraan siyaasiyiin ka danbeeya qaraxyada oo uusan si toos ah magacooda u sheegin.
Hadalka wasîirka ayaa imanaya xilli ay dagaalyahanada Alshabaab sheegteen qaraxyadan khal khalka iyo khasaaraha geystey,kuwaasoo sheegey in ay magaalada muqdisho ka fuliyey hawlgalo lagu naafeynayey cadawga waa sida ay hadalka u dhaheene,iyagoo xitaa sheegtey in madaxweynaha iyo wafti la socdey oo safar dhulka ah marayey in ay gaadiid ka gubeen,mar uu kusii jeedey magaalada Marka ee xarunta gobolka sh/dhexe.




