R/wasaaraha Soomaali Ameerikaanka Ah Oo Kulan La Yeeshay Maanta Xildhibaano Calooshood U Shaqeystayaal Ah Oo Ka Soo Jeeda Beesha Hawiye

0
611

Wararka Soomaaliya

Kulankaani oo ka dhacay guriga C/wali Gaas ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan TFG-da kana soo jeeda beesha hawiye

Xildhibaanadaan Calooshood u shaqeystayaasha ah ayaa sheegay in ay kala hadleen C/wali Maxamed Cali Gaas Arimo ku aadan Xukuumada Cusub uu soo dhisayo

Xildhibaan Waqaa oo ka mid ah xildhibaanada Calooshood u shaqeystayaasha ah ayaa u sheegay warbaahinta in ay kala hadleen R/wasaaraha Cusub ee Soomaali Ameerikaanka Xaalada Dalka Soomaaliya iminka uu marayo iyo xuukamada cusub uu soo dhisayo iyo xubnaha hawiyo ay ku yeelan karaan

Waqaa ayaa ku sheegay tirada xildhibaanada calooshood u shaqeystayaasha ah in ay gaaryaanaa 92 xildhibaan oo ka soo jeeda beesha hawiye

C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maalmihii ugu dambeeyay wuxuu waday kulamo uu la qaadanayo xildhibaanada calooshood u shaqeystayaasha ah iyo sidoo kale odayaasha 4 jeeb layaasha ah kuwaas uu kala tashanayo xukuumada cusub uu soo dhisay o

Shalay ayay aheyd markii uu hanjabaad kulul Faroole uu u jeediyay C/wali Maxamed Cali Gaas hanjabaadaasi oo ku wajahneyd Gaas inuu siiyo xubnaha ugu firfircoon ee xukuumada uu ka dhigo dad ka soo jeeda Deeganada Puntland

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)