Gobolada puntland iyo qeybo kamid ah bulshada soomaaliyeed oo kasoo horjeestey shirka wada tashiga mustaqbalka dalka.

0
533

Gobolada puntland iyo qeybo bulshada kamid ah ayaa kasoo horjeestey shirka shaley uun la maqley laguna sheegey shirweyne qaran oo laga tashanayo mustaqbalka dalka kaas oo dad badan u cuntami waayey.

Gobolada puntland ayaa sheegey in ay gabi ahaanba xiriirka u jareen iyagoo ku andacoodey wada shaqeyn la’aan xaga dawladda dhexe ah,waxeyna sidoo kale sheegeen in dastuurka ay fara fareeyeen iyagoo ula jeeda in ay wax kabedel ku sameeyeen.

Baroortu orgiga ka weyne markii la xaliyey axmed madoobe oo loo aqoonsadey hugaamiyaha maamulka kmg ee jubba ayaa maamulka puntland waxey waayeen garab la daafaca nidaamka federalka waana taas tan ka careysiisey maamulka faroole,waxeyna tani kusoo beegmeysaa xili la filayo in loo dareero shirka beljemka ka dhici doona bishan gudaheeda waxaana shirka laftiisa ku xiran soomaalida oo isfahamsan in ay shirka aado.