Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ceydiid Ilka xanaf oo xukun ka dhan ah ku ridey hanti agoomeed.

0
530

Gudoomiyaha maxkamada sare Ceydiid ilka xanaf ayaa ku dhawaaqey dacwad in ka badan halsano soo jiitameysey,una dhaxeysey Agoon iyo dawlada hoose ee gobolkan banaadir.

Dacwadan oo kusaab saneyd guryo hanti ma guurto damanyaale ah oo dhisan ayna ka dhisanyihiin 3guri oo dabaq ah kuna yaal k4 iyo airporka inta u dhaxeysa,taasoo ay la haayeen agoon lagu magacaabo ilma cali warsame shire,uuna wakiil u ahaa maxamuud warsame shire ayuu maanta ku dhawaaqey xukunka dacwada gud.maxkamada sare ceydiid ilka xanaf wuxuuna yiri sidan:

kadib markaan dhageysaney dacwada labada dhinac iyo marqaatiga,waxey maxkamadu ku dhawaaqdey go’aankan.

Laga bilaabo maanta oo ay tariikhdu tahey 02/09/2013 guryaha sadexda ahi waa hanta dadweyne,iyadoo dhanka kale wakiilki agoonta ilma cali shire oo shir jaraa’id qabtey go’aanka kadib ayaa isna sheegey in aaney xukunkaas ku qancin qaadanna doonin isagoo m/weynaha dalka ka codsadey in uu kiiskan soo farageliyo,waxeyna tani imaneysaa iyadoo aysii kordhayaan dacwadaha la xiriira dhulalka iyo guryaha.