Wararka ka imaanayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maamulka Axmed Madoobe uu shaqada ka joojiyay howlaha Hay’adaha gargaarka ay ka wadeen gudaha magaaladaas.
Maleeshiyaadka Maamulka Raaskambooni ayaa amar ku siiyay dhamaan hay’adaha inaysan sameeynin wax dhaq dhaqaaq ah islamarkaasna aysan wax howlo ah aysan ka fulin Karin gudaha magaalada Kismaayo.
Qaar kamid ah hay’adaha ayaa sheegay inay arrintaan ka dambeysay kadib markii Maamulka Axmed Madoobe ay lacago baad oo xad dhaaf ah ay waydiisteen hay’adahaas islamarkaasna hay’adaha ay diideen inay bixiyaan lagacahaas.
Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xayiraadda Raaskambooyiinta ay kusoo rogeen hay’adaha taas oo u muuqata mid culees sii saarayso taageeridda maamulka Axmed Madoobe.




