Xildhibaano ka tirsan dowladda Somalia ee kasoo jeedo magaalada Muqdisho iyo guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulan ku yeeshay hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa looga hadlayay amaanka magaalada Caasimadda dalka Somalia ee Muqdisho sidii loo adkeen lahaa kadib markii xaaladda magaalada ay noqotay mid xumaatay.
Kulankaan ayaa waxaa ka maqnaa saraakiisha hay’adaha amaanka sida Booliska iyo Nabad sugidda gobolka Banaadir iyadoo ay kasoo qeyb galeen dhamaan guddoomiyayaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamanka horeyna u soo noqday wasiirka arrimaga gudaha iyo amaanka qaranka ayaa ka hadlay kulankaas isagoo sheegay in loo baahan yahay in wax weyn laga qabto amaanka Muqdisho islamarkaasna ay iska kaashadaan dhamaan qeybaha ay quseeyaan muhiimna ay tahay inay wada shaqeyn dhexmarto shacabka iyo ciidamada si guul looga gaaro amaan darrida.




