Guddoomiye ku xigeenka Golaha Barlamanka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Kenya u ambabaxay.

0
486

Wafdi xildhibaano oo uu hogaaminayay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamaanka Jeylaani Nuur iikar ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeedo magaalada Neyroobi ee caasimadda dalka Kenya.
Xildhibaanadan ayaa waxaa ay ka kooban yihiin ilaa 30 Mudane oo haweeen ah kuwaas oo la sheegay inay ka qeyb gali doonaan siminaar lagu baranayo xiriirka wadashaqeyneed ee barlamaanada caalamka.
Jeylaani Nuur iikar oo ah guddoomiye ku xigeenka barlamanka Somalia ayaa warbaahinta u sheegay isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho in siminaarkaan uu yahay mid aqoonta xildhibaanada haweenka ah sare looga qaadayo aqoontooda xildhibaanimo islamarkasna uu socon doonno muddo 7 maalmood ah.
Barlamanka Somalia ayaa jirsaday hal sanno iyagoo guddoomiye Barlaman iyo madaxweyne ku doortay gudaha dalka Somalia waana mid kamid ah guulaha shaqooyinkooda ay ka gaareen.