Shir Ay Maanta Yeesheen Golaha Wasiiradda ee
Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ayaa Waxaa shir gudoominayey
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
“Saacid”Waxaana su’aalo lagu
weydiiyay Taliyeyaasha Boliiska
iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya.
Golaha Waziirada Kulankaani ay Maanta Yeesheen Ayaa inta badan looga
hadlay arrimaha ku aadan sugida
amniga ee dalka, waxayna
goluhu warbixino la xariira
ammaanka ka dhegeysteen
Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed
Jen. Cabdixakiin Daahir “Saacid”,
iyo Jen. Bashiir Maxamed Jaamac,
iyaga oo ka warbixiyay
howlgalada ay ciidamadu
wadaan ee lagu sugayo
ammaanka, Wexeyna sheegen in
24 saac kasta ay ciidamada
ammaanku baajiyaan falal lidi ku
ah ammaanka.
Ugu Horeyn Taliyaha Booliska ayaa waxa uu ka warbixiyay kooxo qarxiyay
labo ka mid ah baalayaasha ku
shaqeeya Cadceeda oo ku yaala
wadada Makka al Mukarama,
isaga oo tilmaamay inay soo
qabteen dad looga shakisan
yahay inay ka dambeeyeen
falkaasi, ayna haatan ku jiraan
xarunta dambi baarista ee CID-
da, ayna soo bandhigi doonaan
natiijada baaritaankaasi Ka Soo Baxda.
Gen.Bashiir Goobe Oo Ah taliyaha
Nabad Sugida Ayaa Sidoo Kale
xusay in ay laba Jibaarayaan
falalka ay uga hortagayaan
kooxaha caadeystay inay amniga
shacabka khal khal Galiyaan.




