2Kamid Ah Baalayaasha Cad Ceeda Ku Shaqeya Oo Maanta Mar Kale Qarax Miino Lagula Eegtay Wadada Makka Al-Mukarama.

0
210

Iyadoo Ay Waayahaanba Soo Kordhayeen Ugaarsiga Baalayaasha Qoraxda Ku Shaqeyso Ayaa Maantey Labo kamid ah Baalayaashaasi Oo
surnayd wadadda Makka Al Mukarama lagu qarxiyay kadib markii Loo Adeegsaday miino nooca rimuutka.

Qaraxa Lala Eegtay Baalayaashaan oo kamid ah
kuwa ku shaqeeya nalalka cad-
ceeda ee Magaalada Muqdisho
waayahan dambe si aad ah looga
isticmaalayey ayaa saaka aroortii
saacada markii ay aheyd 06:40
lagu qarxiyay wadada Maka Al-
Mukarama ee Magaalada
Muqdisho Gaar Ahaan
Nawaaxiga guriga shaqaalaha.

Sidoo Kale Baalaha 2-Aad ayaa waxaa lagu
qarxiyay nawaaxiga halka loo
yaqaan Trepiano halkaasi oo isna
miino ku xirneyd lagu qarxiyay
sida La
xaqiijiyey.

Marka Laga Reebo Baalayaasha Ayaa Qaraxa waxaa
dhaawac uu Ka soo gaaray ruux
kamid ahaa kuwa ku shaqeesta
gaari dameerka oo usii kalahayey
goob shaqo kaasi oo ku
dhaawacmay qaraxaasi miinada
ah ee lagu qarxiyay mid kamid ah
baalayaasha qoraxda ku
shaqeeya Ee Muqdisho.

Dadka Shacabka Ah Ee Ku Dhaqan Magaalada Muqdisho Ayaa Su’aasha Ay Isweydiinayaan waxa ay tahay,
Sidee ayeey ku suurageli kartaa
in la qarxiyo labo kamid ah
baalayaasha wadada Maka Al-
Mukarama ka taagan,xilli halkaasi
habeen iyo maalin ay joogaan
ciidanka Booliiska oo gaadiidka
halkaasi mara baaritaano kala
duwan ay ku sameeyaan?.

Qarxinta Baalayaashani Ayaanan Aheyn Markii Ugu Horeysay Horay ayaa sidan oo kale waxaa
Muqdisho loogu qarxiyay dhowr
baalayaal oo nooca qoraxda ku
shaqeeya ah kadib markii sidan
oo kale miinooyin iyo bambooyin
lagu weeraray Iyadona Aysan Jirin Cid Loo Soo Qabtay Falkaan.