Wiil Yar Oo Caseeye Ahaa Ayaa Ku Geeriyooday Ku dhawaad 10 askarina Wey ku
dhaawacantay kadib markii Ay
ciidamo ka Wadatirsan Dowladda
Soomaaliya ay maanta ku
dagaalameen Magaalada
Muqdisho Gaar Ahaan
Isgoyska Banaadir.
Dagaalka Ayaa Yimid Kadib markii ciidan ka tirsan
Dowladda gaar ahaan ciidanka
Birmadka Booliiska ay xirteen
wadadaasi Waxaana
Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa
Milateriga oo aan si rasmi ah loo
ogeyn inay ciidankaan wadada
xirtay ay soo weerareen iyo
ciidanka Birmadka ayaa ku
dagaalamay Goobtaasi halkaasi oo
muddo 30-daqiiqo ah uu
dagaalka ku dhexmaray labada Maleeshiyo.
Sida La Xaqiijiyey dagaalka labada
ciidan dhexmaray Waxa Uu khasaaraha
ugu badan soo gaaray
ciidanka Dowladda Soomaaliya
ee halkaasi ku dagaalamay marka
laga soo tago wiilka caseeyaha
ah ee halkaasi ku Dhintay Waxaana
Ciidankii wadada xirtay lasoo wariyay inay ka gadoodsan
yihiin mushaar la’aan soo
foodsaartay.
Ma Jiro Illaa Iyo Haatan hadal Ka Soo Baxay saraakiisha ciidanka
Booliiska Soomaaliyeed Iyadoona Had Iyo Jeeraale Ay
Ciidanka Dowladda xilliyada
qaar sidaan oo kale uxirta
wadooyinka qaar ee Magaalada
Muqdisho,iyaga oo ka cabanaya
mushaar la’aan soo Wajahday.




