Madaxtooyada oo xildhibaanada ku dhibanyihiin.

0
518

Villa-SomaliaXildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa cabasho xoogan ka muujinaya ciidamada ilaalada madaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdisho oo ay sheegeen iney si xun ula dhaqmaan marka ay xaruntaas doonayaan iney galaan.
Xildhibaan Fanax oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamanka oo ka hor hadlayey fadhi Baarlamanku ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaano uu isagu ka mid yahay, dhibaato loogu geystay xarunta madaxtooyada.
“Waxaa maadaxtooyada ku soo siyaaday beryahan in xildhibaanada ay kala kulmaan jirdil iyo xanibaad ay u geysanayaan ciidanka ilaalada ka ah, iyadoo loo diido iney iyaga iyo gaadiidkooda galaan madaxtooyada, aniga iyo rag kale ayey qabsatay arintaas” ayuu intaa ku daray xildhibaanka.
Isagoo hadalkiisa sii waya ayaa xildhibaan Fanax waxa uu ka codsaday gudoonka baarlamanka inuu arintan wax ka qabto, haddii kalena uu cadeeyo iney jirto wareegto ama sharci xildhibaanada ka mamnuucaya iney galaan madaxtooyada.
Maamulka Cabud Waaq oo gacanta ku dhigay masoomayaal ah iyo kooxo cuno bisil ka iibinayay.