Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay howlgal saaka ciidamada Booliska maamulkaas uu ka sameeyey gudaha degmadaas.
Gudoomiye ku-xigeenka degmada Caabudwaaq ahna sii hayaha xilka guddoomiyaha C/risaaq Cali Jaamac (Gacal) ayaa sheegay in howlgalkaas ay sameeyeen ciidamada amaanka degmadaas lagu soo qabqabtay kooxo jebiyey awaamiir ku saabsan bisha Ramadaan oo horey maamulka uga soo baxay.
“Ciidamada ayaa ka war helay meel ay wada joogeen kooxo xiliga maalintii ah bisha Ramadaan ka ganacsanayey raashiin bisil iyo kuwo ma soomayaal ah oo ka cunteynayey, dhamaantood waa la soo qabqabtay xabsiga ayeyna ku jiraan” ayuu yiri C/risaaq Cali Jaamac (Gacal).
Gudoomiye ku-xigeenka degmada Caabudwaaq ahna sii hayaha xilka guddoomiyaha ayaa sheegay iney maxkamad soo taagayaan kooxaha ay maanta soo qabqabteen, isagoo uga digay kooxaha kale eek u howlan falalka noocan iney ka waantooban haddii kalena gacanta lagu dhigi doono howlgalada ciidankuna ay yihiin kuwo socon doona.




