Ra’iisul Wasaaraha dowlada Ethiopia Hailemariam Dessalegn ayaa Sheegay in dowladiisu ay xoojinayso taageerada ay la garab Taagantahay dowladda Federaalka Soomaliya, si Nabad iyo Xasilooni loogu soo dabaalo dalka Soomaaliya.
Raysulwasaaraha Ethiopia Hailemariam ayaa sheegay kadib kulamo uu la qaatay Wasiirka gaashaandhiga Soomaliya Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi Magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia in Dowladdiisa ay taageero hiil iyo hooba la garab taagantahay Dowlada Federaalka ee Soomaliya.
Dhanka kale Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Ethiopia oo Ka qeyb galay kulanka uu la qaatay Wasiirka gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Ethiopia ka baxayaan dalka Soomaaliya.
Wasiirka gaashaandiga Soomaliya C/xakiin Xaaji Max’ud oo isna dhankiisa la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ra’isal Wasaaraha Ethiopia ay kulankooda diirada ku saareen Xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada wadan.
Cabdi Xakiim Xaaji fiqi ayaa intaasi ku daray in ay kawada Hadleen Ra’usul WasaarahaEthiopia sidii loo cirib tiri lahaa Xarakada Al-Shabab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaliya.




