Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa xalay sheegay inay maamul goboleed cusub ka dhisyaan gobolka Galgaduud iyo qeybo kamid ah gobolada Mudug iyo hiiraan, maamulkaasina uu yahay mid dad ka degan goboladaasi ay aayahooda uga tashanayaan.
Macalin Maxamuud Shiikh Xasan oo ah guddoomiyaha guud ee Ahlu sunna ayaa sheegay in shir ka dhacay Dhuusamareeb shalay ku go’aansadeen in maamul goboleed cusub ay ka dhisaan degaano ka tirsan gobolada Galgaduud, Mudug iyo gobolka Hiiraan.
Wuxuu intaasi ku daray in maamulkaasi uu waafaqsan yahay qaabka dowladda Somalia u dhisayso dowlad goboleedyada dalka ka dhismaya.
Macalin Maxamuud waxaa kale oo uu sheegay in qaab dhismeedka uu yeelanayo maamulkaasi iyo howshiisa ay iyagu gacanta ku hayaan, isagoo xusay in gogosha maamulkaasi lagu dhisayo ay taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Waxaa uu intaa ku daray in gobolkaas aysan ka jirin wax uu ugu yeeray argagixiso iyo dhib kale midna isagoo xusay in dowladda looga baahan yahay in ay gacan ka geysato dhismaha maamul goboleedkaas oo uu shiikhu sheegay inay waafaqsantahay heshiiskii ay horey u galeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Ahlu Sunna
Sidoo kale waxaa arrinta maamulkaasi ka hadlay xubno kale oo katirsan kuwa ugu sareeyaa maamulka ahlu sunna ee gobolada dhexe waxayna ka dalbadeen dowladda inay hirgaliso heshiiskii ay horey ula gashay,iyagoo xusay qorshaha maamulkaasi ay dhammaan xubnaha ahlu sunna isku waafaqsan yihiin sida ay yiraahdeen.




