Xiriirka Soomaaliyeed ee Cayaaraha Fudud ayaa ka qeyb galaya Cayaaraha Orodada ee the 14th IAAF World Championship oo lagu wado in horaanta Bisha fooda inagu soo heyso ee Augusto lagu qabto Magaalada Moscow ee dalka Russia.
Cayaarahaan ayaa waxaa Soomaaliya ugu qeyb galaya Agaasimaha Cayaaraha Fudud ee dalka Soomaaliya Mudane, C/qaadir Caraale, Macalinka Qaranka Cayaaraha Fudud, Cabdi Warsame iyo Cayaaryahan Omar Mohamed Abdi oo ah (Student Athlete) isla markaana markii ugu horeesay u safanaya Qaranka Soomaaliya.
Agaasime C/qaadir Caraale iyo Macalin Cabdi Warsame oo muddooyinkii ugu danbeeyay ku howlanaa horumarinta cayaaraha Soomaaliyeed gaar ahaan Cayaaraha Fudud (Track & Field), ayaa sidoo kale fursad usoo bandhigay inta jecel cayaaraha fudud (Gabar & Wiil) kuwooda doonaya in dalkooda ay u ordaan.
Qof waliba oo jecel in uu dalkiisa u Ordo kana qeyb qaato Cayaaraha Fudud meel kasta oo uu dunida ka joogo waxa uu Xiriirka u gudbin karaa Macluumaadkiisa ku aadan qaabka ay tayadiisa gaarsiisan tahay iyadoona qof waliba uu buuxin karo (Profile Form)-kaan ama uu adeegsan karo Emailka ah :: somalirunners@gmail.com




