Waxaa Habeennimadii xalay aheyd soo gaaray Magaalada Khartuum ee Xarunta Dalka Suudan Wafdi uu Horkacayo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamed Nuur Gacal.
Wafdigan oo uu hogaaminyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dr.Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa garoonka diyaaradaha si diiran ugu soo dhaweeyay Howlwadeenadda Safaaradda Soomaaliyeed oo uu hokacayo Danjiraha Soomaaliya U fadhiya Dalka Suudaan, Jaaliyadda, Xisbiga Nabadda iyo Horumarka, Ururka Ardayda, Madaxda Xarunta Raa’id ee Cilmibaarista iyo Daraasaadka Soomaaliya.
Wafdigan Wasiiru Dowlaha la Socda ayaa waxaa ka mid ah Agaasimaha Waaxda Tacliinta sare ee Wasaarada Adeega Bulshada Ismaaciil Yuusuf Cusmaan iyo Agaasimaha Waaxda Daladaha iyo Waxbarashada Gaarka Ah Daa’uud Maxamed Makaraa iyo Masuuliyiin kale.
Dr: Maxamed Nuur Gacal oo la hadlay Saxaafadda ayaa Sheegay in uu Suudaan u yimid dhowr Arrimood oo ay ugu Muhimsan tahay Hambalyada Bisha Barakeysan uu ka Wado Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uuna u wado Dhigiisa Dowladda Sudan Marshal Cumar Xasan Axmed (Al-bashiir).
Sidoo kale Wasiirka ayaa imaanshiyahiisa Dalka Suudaan ku sheegay in uu indha-indheynayo Xaaladda Ardayda iyo kormeerida Deeqaha Waxbarasho ay Dowladda Sudan Sanad waliba siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wafidgiisa ayaa kulamo gaar-gaar iyo mid guuudba la qaadan doono Ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed si uu u xooraansado Xaaladda Dhabta ah ay ku sugan yihiin Ardayda iyo Jaaliyadda.
Booqashada Wasiiru Dowlaha ayaa ku soo aadeysa xilli uu khilaaf ka dhex aloowsan yahay Dhammaan Howlwadeenada Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Sudan, iyadoo wasiirka loogu fadhiyo inuu Xal u helo Khilaafaadkaasi.




