Baarlamaanka Calooshood U Shaqeestayaasha TFG-da Ayaa Maanta Ansixiyay R/Waasaaraha Cusub ee Soomaali American-ka C/Wali Maxamed Cali Gaas

0
649

Wararka Soomaaliya

 

 

 

Ka dib kulan ay maanta ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka Barlamaanka Calooshood ushaqeestayaasha TFG-da uuna shir Guddoominayay Qaa’n Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa lagu ansixiyay R/Wazaaraha Cusub ee Soomaali American-ka C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Waxaana kulankaasi ka qeyb galay Madaxweyne Shariifka Soomaaliya Iyo Taliye ku Xigeenka Ciidamada Shisheeye ee duullaanka Muqdisho ku Jooga.

 

Madaxweyne Shariifka Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa ku sasabay Baarlamaanka TFG-da in la horkeeni doono Heshiiskii Qiyaanada ahaa ee labada Shariif ay ku gaareen Kambaala

Kulankan ayaa la sheegay inay ka qeyb galeen 444 Xildhibaan Waxaana cod loo qadaay R/Wasaaraha Cusub ee Soomaali American-ka C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Ugu dambeyntii codadkii uu helay R/wasaaraha Cusub waxaa ku dhawaaqay Qaa’inka Shariif Xasan Shiikh Aadan isagoona sheegay in 437 Xildhibaan oo calooshood ushaqeestasyaal ah ay u codeeyeen R/Wasaaraha Cusub

Waxaana halkaasi lagu dhaariyay R/Wasaaraha Cusub ee Soomaali American-ka C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Tan iyo Markii shariif jabuuti lagu soo doortay ayaa R/Wasaarihii Afraad La Ansixiyay.

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)