Kooxo Ku Hubeysan Biskoolado Ayaa Gabal Dhicii Maanta Gudaha Degmada Yaaqshid Waxa Ay Dil Ugu Geesteen Raxma Daahir Siyaad Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Yaaqshiid.
Muxudiin Xasan Jurus Gudoomiyaha Degmada
Yaaqshiid ee Maamulka Gobolka
Banaadir ayaa wuxuu uu xaqiijiyay dilka haweeneydaan wuxuuna sheegay inay dilka
haweeneydaan geysteen ilaa
seddex nin oo ka tirsan Ururka Al
Shabaab kuwaa oo
sida uu xaqiijiyay baxsaday dilka
kadib.
Gudoomiye Muxudiin Xasan Jurus ayaa
wuxuu wax cad uu ku
tilmaamay in dilka Raxma Daahir,
ay ka dambeysay Al Shabaab, oo
sida uu sheegay ka soo horjeeda
nabadda ka jirta Magaalada
Muqdisho Sidoo Kale wuxuu Xusay in Al Shabaab ay cadow
ku tahay dhamaanba Ummada
Somaliyeed oo idil, isla-markaana
ay geysaneyso dilalka abaabulan
ee dalka ka dhacaaya.
Muxudiin Jurus ayaa wuxuu Ku Nuux Nuuxsaday inay
ku raad jooggaan raggii dilka
haweeneydaan geystay, kuwaa
oo sida uu sheegay ay gacanta
ku soo dhigi doonaan,
Cadaaladana ay horkeeni
doonaan.
Xarakada Al-shabaab Ayaa Wali Ka Soo Bixin Wax Hadal Ah Oo Ku Aadan Dilka Marka laga soo taggo hadalka ka
soo yeeray Gudoomiyaha
Degmada Yaaqshiid waxaana
caawa jira hawlgalo ay Ciidamada Dowladdu ka wadaan
Degmada Yaaqshiid Ee Gobolkaani Banaadir.




