“Ra’iisul Wazaare Saacid” Shirka Brussless Waxaan Hordhigi Doonaa Baahida Umada Somaaliyeed Iyo Sida Ay U Kala Daranyihiin.

0
242

C/Faarax (Saacid) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda
Federaaliga ah ee Soomaaliya
ayaa maanta la kulmay
una hambalyeeyay guddi
hawleedka qorshaha
Hiigsashada Cusub Isagoona Yirri Sidan.

“Mudane Saacid ” Duruufta maanta dalka ka jirta
waa mid loo baahan yahay in
wax badan laga badalo, horumar
weyna laga sameeyo; qorshan
hiisashada cusubna muhiimad
gooni ah buu u leeyahay
horumarka aan doonayno Isagoona Ra’iisul Wazaaraha si weyn ugu
mahadceliyay guddiga hawsha
waday.

“Hambalyo ayaan idin
leeyahay, waana idin garab
taaganahay
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay
in dawladdu leedahay qorshe
dib-u dhis iyo horumarineed oo
ay doonayso inay dalka ka
hirgali Waxaana uu dhanka
kale cadeeyay in dawladdu shirka
Brussels hordhigi doonto
baahida dalka iyo siday u kala
mudan tahay.

“Waa muhiim inaan baahideena
iyo siday u kala mudan tahay u
sheegno bulshada caalamka iyo
saaxiibadeena doonaya inay dib-
u dhiska dalka naga caawiyaan.

Waxaana uu sheegay inay laga
maarmaan tahay in il-gaar ah
lagu fiiriyo baahiyaha kala
duwan ee deegaanada dalka oo
dhan.

Kulanka Ra’iisal Wasaaruhu la
yeeshay guddiga
hawlwadeenada qorshaha Hiigsiga
Cusub ama New Dealka ayaa
yimid kadib markii shalay uu si
rasmi ah magaalada Muqdisho
uga furmay kulankii wada
tashiga qiimaynta nugaylka iyo
baahida Soomaaliya.