Odayaasha H/gidir oo sheegay iney labo cisho ka hartay xiligii loo balan qaaday sii deynta Xasan Daahir.

0
532

Odayaasha beesha Habar gidir ayaa sheegay inuu gabaabsi marayo xiligii madaxda dowlada Somalia ay ka balan qaadeen in lagu sii deyn doono Xasan Daahir Aweys oo todobaadkii hore la keenay Muqdisho xabsigana ku jira.
Nabadoon Xasan Cilmi Yaxye oo ka tirsan waxgaradka beesha H/gidir ayaa sheegay in kulan ay dhowaan la qaateen madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamnuud uu hortooda ka balan qaaday in arinta Xasan Daahir Aweys uu todobaad gudaheed ku soo afjarayo, taasoo uu xusay in illaa hadda aysan waxba ka fulin.
“Mudadii uu madaxweynaha horteena ka balan-qaaday ee todobada cisho aheyd waxaa ka laaban labo maalmood oo kaliya illaa haddana ma heyno calaamado muujinaya in balantaas ay fuleyso, haddii uu nooga baxo balankana, cawaaqib xumada ka timaada madaxweyanaha ayaa qaadi doona” ayuu intaa ku daray nabadoon Xasan Cilmi Yaxye.
Nbadoonka ayaa sheegay in markii ay Cadaado joogeen uu madaxweynuhu ka balan qaaday in Xasan Daahir la keeno Xamar, taas bedelkeedana aan xarig iyo dhibaato loo geysan doonin, hase ahaatee looga baxay balantaas, looguna bedelay in Xasan Daahirna la xiro, odayaashii keenayna la garaaco.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa mar uu ka hadlay shalay arinta Shiikh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in Xasan Daahir Gudaha Soomaaliya iyo Dibada eedeymo looga heysto isla markaana ay Dowlada Soomaaliya gacanta Ku heyso.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa mar la weydiiyay inay balan uga baxeen odayaasha Dhaqanka ayaa waxa uu sheegay inaysan jirin Balan ay dowladu la gashay odayaasha oo ah inay Xasan Daahir sii deynayaan oo guri la dajinaayo.