Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka bad baaday shil Diyaaradeed.

0
558

Wararka naga soo gaaraya garoonka dayuuradaha Aadan cade ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in dayuurad saaka halkaas ka qaaday madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu horkacayo ay deg deg ugu soo laabatay garoonka Aadan cadde ka dib markii ay muddo 40 daqaiiqo ah hawada ku jirtay.
Soo laabashada dayuuradan ayaa timid ka dib markii uu dab ka kacay qeybta dambe ee dayuuradaas oo matoorkeedu uu ku yaalo, waxaana goob joogayaal ku sugan garoonka Aadan cadde ay dayniile.com u sheegeen iney arkeen dayuurada oo Qaac uu ka baxayo xageeda dambe.
“Dayuurada iyadoo aan xitaa soo gaarin booskii ay farsiin laheyd ayaa lagu amray iney joogsato, waxaana deg deg looga dejiyey maadaxweynaha iyo xubnaha la socday, weyna fiican yihiin hadda” ayuu yiri goob jooge ku sugan garoonka Aadan cadde oo dayniile.com la hadlay.
Gaadiidka dab demiska ayey wararku sheegayaan iney haatan deminayaan matoorka dayuuradaas ee daabku ka kacay, iyadoo madaxweynahaha iyo dadkii la socday dayuuradaas oo ku sii jeeday dalka koonfurta Sudan ay haatan ku sugan yihiin garoonka Aadan iyadoo qaarkood ay ka muuqato naxdin fara badan.
Afhayeenka madaxtooyada oo ka hadlay dabka ka kacay dayuuradii uu la socday madaxweynaha Somalia.
Afhayeenka madaxtooyada Somalia Ing. C/raxmaan Yarsiiow ayaa goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo ka waramay dabka qabsaday dayuurada ay la socdeen madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa.
Ing. Yariisow oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ee la socday dayuuradaas ayaa waxaa uu sheegay in markii ay hawada ku jireen 20 daqiiqo uu wadihii dayuurada bixiyey digniin ku saabsan iney cilad soo wajahday.
“Wuxuu inoo sheegay Pilotkii dayuuradaha waday in mid ka mid ah labada matoor ee dayuuradaha ay cilad xoogan soo wajahday sidaas awgeedna uu deg deg ugu laabanayo Muqdisho ka dibna waan soo laabanay” ayuu intaa ku daray Ing. Yariisow.
Waxaa uu sheegay afhayeenku in inkaastoo dayuurada ay soo degtay iyado matoorkeedu uu dab iiyo qaac uu ka baxayo haddana uusan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay shilkaas, ayna wanaagsan tahay xaaalada madaxweynaha iyo wafdigiisa, isagoo tilmaamay in safarkooda uusan baaqaneynin, madaxweynaha iyo wafdigiisana ay raaci doonaan dayuurad kale oo loo dalbay.
Dhinaca kale, kooxaha dam demiska garoonka dayuuradaha ayaa ku guuleystay iney bakhtiyaan dab iyo qaac ka baxayey mid ka mid ah matoorada dayuuradaas oo dab uu qabsaday intii ay hawada ku jirtay, waxaana shilkan uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee qabsada dayuurad uu la socday madaxweyne Soomaaliyed.