Xildhibaabno Ka Soo Jeeda Beesha Sade Oo Sheegay In Ay La Bixi Doonaan Maleeshiyo Beeleedyo Ay Soo Galiyeen TFG-da

0
586

Wararka Soomaaliya

Xildhibaanadaan oo ah calooshood u shaqeystayaal ayaa maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho waxayna ku dhawaaqeen in la bixi doonaan 4000 kun oo maleeshiyaad ah kana soo jeeda beesha Mareexaan

Xildhibaan Bood oo u hadlay xildhibaanada calooshood u shaqeystayaasha ah ee Muqdisho kulanka ku yeeshay ayaa sheegay hadii Augost ay dhici weyso doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya ay la bixi doonaan Maleeshiyaadkii ay ku soo ajareen TFG-da, Bood ayaa xusay in labada Shariif ay laaleen sharcigii TFG-da

Bood ayaa sidoo kale xusay in labada Shariif ay galeen dambi qaran si cadna ay u shaaciyeen in dalka uu ku jiro gumeysi wuxuuna xildhibaankaasi calooshiis u shaqeystaha ah uu intaa ku daray in ayna garaneynin maleehsiyaadka ay keenaan waxay dadka ay ku dileen ama lagu dilo ayaga sidaa awgeed waxaan si cad aan u sheegeynaa Augost hadii doorasho ay dhici weyso in Maleeshiyaadkooda ay la bixi doonaan kuwaas uu sheegay in ay u kala dirayaan goobihii marka hore ay ka keenen

Hadalkaan ka soo yeereay xilidhibaanadaan calooshood u shaqeystayaasha ah ayaa imaanaya xilli Shariif uu ku dhawaaqay R/wasaare cusub oo ka soo jeeda Maamul goboleedka Puntland isla markaana la ceyriyay Farmaajihii ka soo jeeday Beesha Sade waxaana hadalkaan uu u muuqdaa qab qab la yaashee u shaqeynayay cadowga ee ka soo jeeday beelahaasi ay isku dhaceen

 

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)