Wararka Soomaaliya
C/kaafi oo ah xog-hayaha TFG-da ee gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Hay’adaha caawiya TFG-da in ay yihiiin kuwa Basaasiin ah isla markaana wax caawinaad ah ayna siinin dad dhibaateysan ee ku sugan goobaha yar ee TFG-da gacan ay ku heyso
C/kaafi Cusmaan Hilowle ayaa si kulul ugu eedeeyay Hay’adahaasi in ay yihiin Basaasiin isla markaana dano gaar ah oo ay leeyihiin inay ka shaqeeyaan wuxuna xusay Hay’adahaasi in ay ka qaadi doonaan talaabo arintaasina ay la kaashan doonaan Wasaaradda Arimaha Gudaha
Dhanka kale C/kaafi Cusmaan Hilowle ayaa ku celceliyay in Basaasnimo ay ka shaqeeyaan ayna isku diraan Hogaanka TFG-da C/kaafi ayaa intaa raaciyay 20ka sano ee burburka Soomaaliya uu ka jiray doorka ugu weyn in ay ka cayaarayaan Hay’adaha lagu Sheego Sama Falka
Hadalkaan ayaa imaanaya xilli goor sii horeysay ay mamnuuceen Mujaahidiinta Al Shabaab Hay’ado badan oo la ogaaday Soomaaliya inay ka wadaan howlo basaasnima ah taag oo keentay in gabi ahaanba laga Mamnuuco Dalka Soomaaliya oo idil
Waxaana wax muuqda ah in Hay’adaha Sama Falka sheegta ay yihiin Basaasiin u shaqeeya wadamada Reer Galbeedka ah lana shaqeeya burburinta dalka Soomaaliya iyo ka hortagidia in lagu dhaqmo Shareecada Islaamka
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(





