Maamulka Axmed Madoobe oo shuruud adag ku xiray wadahadal ay la galaan Iftiin Xasan Baasto.

0
574

MadobeOdayaal iyo waxgarad illaa shalay waan-waan nabadeed ka dhex waday dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo wajahay caqabad adag oo ismari waa ah ka dib markii maamulka Axmed Madoobe ay shuruud ku xireen iney wadahadal la galaan dhinaca ka soo horjeeda ee uu hogaamiyo Iftiin Xasan Baasto.
Qaar ka mid ah odayaasha oo si aan kala joogsi laheyn ugu howlanaa iney labada dhinac u kala dab qaadaan ayaa sheegay iney quus ka joogaan xabad joojin iyo nabad ay dhex dhigaan dhinacyadaas.
Mid ka mid ah odayaasha waan-waanta wada oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in dedaalkooda uu caqabad ku noqday markii masuuliyiinta dhinaca Axmed Madoobe ay sheegeen ineysan wadahadal la galeynin dhinaca ka soo horjeeda illaa ay dhigaan hubka kuna soo wareejiyaan iyaga.
“Dalabkaas waxaa diiday dhinaca Iftiin Xasan Baasto oo inoo sheegay ineysan hubkooda dhigeynin illaa la gaaro heshiis raali laga wada yahay ama uu ninkooda ugu dambeeya ka dhinanayo isagoo is difaacaya” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka waan waanta wada oo sheegay in labada dhinac ay weli hamuun badan u qabaan dagaal, xiise badana aysan u qabin nabada iyo dib u heshiisiinta.
Odayaasha ayaa sheegay iney ku jahwareersan yihiin sida ay u wajahayaan xalka iyo xiisada taagan, iyadoo ciidamada labada dhinac ay weli isku hor fadhiyaan dalcada xaafada Calanley ee magaalada Kismaayo.
Dhinaca kale, ganacsiga iyo suuqyada magaalada Kismaayo oo sadex cisho ka dib saaka dib u furmay ayaa duhurnimadii maanta mar kaliya albaabada loo laabay, lagana kala cararay ka dib markii bartamaha magaalada lagu soo daadiyey ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiid dagaal taasoo dareen cabsi iyo khal khal leh gelisay ganacsatada iyo dadka kale ee magaalada gudaheeda joogay.