Afhayeenka maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia G/Sare C/llaahi Maxamed Muuse (Keyse) oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in daldaloolo ay ka muuqdaan howlgalada dadka fara badan lagu xirxiro ee maalin walba laga sameeyo xaafadaha.
Keyse ayaa sheegay in howlgalada socda ay yihiin kuwo muhiim ah oo lagu sugayo amaanka hase ahaatee loo baahan yahay in sharciga la waafajiyo, isagoo xusay in dadka faraha badan ee la qabqabto maalin kasta aysan xirnaan Karin wax ka badan 24 saac haddii aan dembi lagu heynin maxkamadna la horkeenin.
“Dadka eheladooda iyo caruurtooda la qabqabto waxaan u sheegeynaa haddii qofka ka xiran la sii deyn waayo 24 saac gudahood ama maxkamad lagu horkeeni waayo iney dacwad u soo qortaan maxkamada ciidamada qalabka sida ay talaabo u qaado ulana xisaabtanto ciidamada” ayuu intaa ku daray Keyse.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in haddii maxkamada ciidamada qalabka sida aan la soo gaarsiin dacwadooda aysan ogaan Karin, waxna ka qaban Karin dadka xirxiran ee aan maxkamada la horkeenin, isagoo xusay iney sharci daro tahay in muwaadinku uu xirnaado wax ka badan 24 saac isagoo aan la sheegin wax dembi ah oo lagu hayo.
Dhinaca kale, Afhayeenka maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia G/Sare C/llaahi Maxamed Muuse (Keyse) ayaa u digay ciidamada dariiqyada taagan iyagoo hubeysan kuna lebisan Maacawis iyo shaar tuute ah, isagoo xusay iney talaabo waafaqasan anshaxa ciidamada ka qaadi doonaan, wuxuuna faray taliyeyaasha saldhigyada Booliska iney soo qabtaan kuwa noocaas ah maxkamadana horkeenaan.




