Raisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibeda ee xukuumada Somalia Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa beenisay warar maalmahan soo baxay oo sheegay iney Kenya la saxiixatay heshiisyo ku saabsan in laga wada hada hadlo xadka badaha labada ee Somalia iyo Kenya.
Fowsiyo ayaa sheegtay in heshiiskaas uu horey u diiday baarlamankii KMG ahaa ee hore, aysana jirin cid awood u leh iney u soo celiso, “Kenya waa naga dalbadeen inaan mar kale arrimahaas ka wada hadalno, anaguna waxaan u sheegnay in arintaas aysan wadahadal geli karin maadaama uu horey heshiiskaas u diiday baarlamanka Somalia” ayey tiri wasiirada arrimaha dibeda.
“Badda Soomaaliya waa sideedii intii Somalia ay weligeed lahaan jirtay bey leedahay illaa hadda, mana jirto cid wax ka bedeli karta, Kenyana waan u sheegnay in heshiiskaas hore uu ahaa mid qalad ah, baarlamankuna diiday, hase ahaatee Kenya ayaa codsataya in dib wadahadal looga furo, xaq beyna u leeyihiin iney codsadaan..” ayey tiri wasiirada arrimaha dibeda Somalia.
Waxay sheegtay inay is hor istaag ku sameysay in loo soo cusbooneysiiyo heshiiskaas dhinaca Badda ah oo ay wada galeen dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed iyo Dowladda Kenya.
Hadalka wasiirada ayaa imanaya xili qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida iyo kuwa Kenya ay maalmihii ugu dambeeyey hadal hayeen in Fowsiyo ay la saxiixatay dowlada Kenya heshiis dhigaya in dib loo furo wadahadalkii ku saabsanaa xad badeedka labada dal, taasoo dareen xasaasiyad leh ku abuurtay dad badan oo Soomaaliyed.




