Wararka Soomaaliyeed
Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali (Caato) ayaa is aan gambasho laheyn u sheegay in ciidamada shisheeye duulaanka Muqdiso ku jooga ay yihiin kuwa xoog ku heysta dalka wuxuuna ku baaqay in lala dagaalamo ciidamada shisheeye ee Muqdisho ku sugan iyo cid waliba oo taageero siisa ciidamadaasi
Wuxuu ku eedeeyay labada Shariif in ay yihiin kuwa u shaqeeyo gumeystaha wuxuuna shacabka meel waliba ay joogaan ugu baaqay ciidamada shisheeye ee muqdiso duulaanka ku jooga
Caato ayaa hadalkaan ka soo yeeray wuxuu ku soo beegamayaa xilli shacabka Muqdisho intooda badan ay ogyihiin in dalka Soomaaliya uu ku jiro gumeysi caalami ah isla markaana waajib ay ku tahay qof waliboo muslim ah in uu la jihaado
Xildhibaan Boot C/lla Magan ayaa dhankiisa sheegay in labada Shariif ay galeen dambi qaran isla markaana loo baahan yahay in shacab ay la xisaabtamaan Shariifyada
Boot C/lla Magan ayaa sheegay in abuu Zubeyr, Abuu Mansuur, Sh. Fu’aad lagu sheegay in ay yihiin dambiilayaal laguna gaaraaco goobaha ay joogaan Taangi iyaogoona Muwaadiniin Soomali ah wuxuuna hoosta ka xariiqay in dambiilayaasha ay yihiin labada Shariif oo gabi ahaanba dalka ka gatay Eithopia iyo Ugandha wuxuuna Shacabka ugu baaqay nolosha inay ku soo qabtaan labada Shariif
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(





