Madaxweyne xasan sheekh oo galabta muqdisho ku soo laabtey kadib kulan uu kula soo yeeshey m/weynaha dalka kenya uhuro kenyata ayaa berito u ambabaxaya magaalada garoowe ee caasimada u ah maamulka puntland.
M/weynaha ayaa waxa uu la kulmayaa m/weyne faroole si ay uga wada hadlaan arimaha dalka gaar ahaan kuwa amniga uuna u gudbiyo warbixin la xiriirta shirki dhawaan ka dhacey ankara ee dalka turkiga kaas oo ay ku heshiiyeen dawlada federalka iyo maamulka s/land.
Waxaa sidoo kale laga wada hadli doonaa arimaha maamul u sameynta kismaayo oo is maandhaaf ba’ani beryahan ka jirey,waxeyna booqashadani noqoneysaa midii ugu horeysey ee uu xasan sheekh ku tago puntland tan iyo mudadii uu xilka m/weynenimo hantey.




