M/weyne xasan sheekh iyo huro kenyata oo mambasa ku kulmey,warna ka soo saarey.

0
499

Kulan ay ku wada yeesheen m/weynayaasha somalia iyo kenya ayaa waxa uu maanta ka dhacey magaalada mombasa ee dalka kenya.

Kulanka labada m/weyne oo ka dhacey aqalka madaxtooyada ee mombasa ayaan loo ogolaan saxaafada haseyeeshee hadal wadajir ah oo ay jeediyeen labada m/weyne ayey ku sheegeen in ay isku afgarteen dhawr qodob oo ay ka mid tahey in leyska kaashado arimaha amniga iyo la dagaalanka xarakada alshabaab iyo waliba arimaha kismaayo oo dhawaanahaanba ismaandhaaf ka jirey.

M/weyne xasan sheekh oo casumaad ka heley m/weynaha dalka kenya uhuro kenyata ayaa waxa uu kusoo dhamaadey is afgarad iyo jawi hagaagsan,dibna ugu kala noqdey meelihii ay ka kala yimaadeen.