Madaxweynaha Somalia oo Booqasho ku tagay magaalada Garowe.

0
338

Madaxweynaha dowlada Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayey ayaa barqanimadii maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey magaalada Garowe masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu ka mid ahaa madaxweynaha maamulkaas C/raxmaan Faroole iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Intaa ka dib wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa loo soo gelbiyey xarunta madaxtooyada ee Somalia, iyadoo dadweyne boqolaal gaaraya oo wadada hareeraheeda tubnaa ay ruxayeen caleemo qoyan, iyagoo ku dhawaaqayey ereyo soo dhoweyn ah, waxaana si weyn loo xoojiyey amaanka iyadoo meel walba la dhigay ciidamo si ba’an u hubeysan.
Wafdiga madaxweynaha Somalia iyo madaxda maamulka Puntland ayaa waxaa uu hadda wadahadal uga socdaa xarunta madaxtooyada Puntland iyadoo la filayo in goor dhow ay Xasan Shiikh iyo C/raxmaan Faroole la hadlaan saxaafada.
Waa markii ugu horeysay ee madaxweynaha Somalia uu booqdo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland tan iyo markii sanadkii hore loo doortay xilkaas, lamana oga xiliga ay qaadan doonto booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa ay joogaan magaalada Garoowe.