C/kariin Xuseen Guuleed oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Somalia ayaa sheegay in dowladdiisa ay fashilisay weerar qaraxyo oo lagu qaadi laha dalalka dariska la ah Somalia.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa sheegay in weeraro la qorsheeyay in lagu qaado dalalka Kenya iyo Ethiopia ay ku gulaysatay wasaaraddiisa inay ka hortagto oo ay fashiliso isla markaasna amaanka dalka Somalia uu yahay mid wanaagsan oo lagu faani karo.
C/Kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Ayaa hadalkaaan ka sheegay hadal dheer oo uu ka jeediyay baarlamanka hortiisa isla markaasna ka jawaabayay su;aalo ay xubnaha baarlamanka weydiinayeen shalay.
Wuxuu intaas ku daray Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka in qaraxyo badan ay ka hortageen oo ay ogaadeen ka hor inta uusan dhicin weerarkaas kuwaas oo qaarkood ka dhici lahaa gobolada dalka sida Baladweyne oo kale iyo kuwo kale oo dalalka dariska la ah Somalia ka dhici lahaa.
Ugu dambeyn ayuu sheegay wasiirka arrimaha gudaha inay jiraan dad ay u xer xereen weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday xarunta maxkamadda gobolka Banadir taas oo inka badan 30 qof ay ku geeriyoodeen.




